Odoyaasha dhaqanka Dir waqooyi ee Maamulka Somali-land ayaa sheegay in faragalin lagu hayo doorashada xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaliya ee ka imaanaya deeganadaas, inkastoo hakad haatan la galiyay.
Afhayeenka Odoyaasha dhaqanka Dir waqooyi ee Maamulka Somali-land Boqor Maxamed Jaamac oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay qaar kamid ah madaxda dowladda Soomaliya ay faraglin joogta ah ku hayaan doorashada islarmarkaana Guddiga doorashooyinka uu kusoo wargaliyay in la hakiyay doorashada.
Boqor Maxamed Jaamac ayaa ugu baaqay Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran iyo beesha Caalamka in ay soo faragaliyaan dhibaatooyinka lagu hayo doorashada xubnaha ka imaanaya Gobolka Woqooyi ee Maamulka Somali-land.
Guddiga Federaalka ee hirgelinta doorashooyinka dadban ee Soomaliya ayaa sheegay in la hakiyay doorashadii xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya ku matalayay Gobolada Woqooyi ee Maamulka Somali-land ee Muqdisho ka socotay.
Qoraal kooban ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka ayaa lagu sheegay inta laga xalinayo khilaafka ka jira doorashada la hakinayo.

