Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed Maxamed aadan Axmed oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay Ciidamada Maamulkaas in ay sii wadaan dagaalka lagula jiro dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Taliye Maxamed aadan Axmed ayaa tilmaamay in taliska Xoogga dalka Soomaliyeed uu mar walba ka warqabo Xaaladaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo kuwa Maamul Goboleedyada, isagoo carabka ku adkeeyay in dhawaan lasoo gaba-gabeyn doono dagaalka Lagula jiro Xarakada Al-shabaab.
“Howlgalka aad waqti walba sameenaysaan waan idin ku bogaadinayaa, xaqa iyo baadilka mawada sina, Al-shabaab waa laga saari doonaa Gobolada dalka Soomaliya meelaha ay ka joogaan,waad ogtihiin xili waxaa jirtay Shabaab ay carqaladeynayeen amaanka Magaalada Baydhabo, balse maanta dadaalkiina ayaa loogu guuleystay”, ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed.
Dhanka kale Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed Maxamed aadan Axmed ayaa tilmamaay in Dowladaha Caalamka ee ka daneeya hormarka Soomaliya uu kala soo hadlay sidii loogu qeyb qaadan lahaa dib u dhiska Ciidamada Qaranka Soomaliyeed.

