Madaxda Maamulka Galmudug oo Lagu Eedeeyay In Ay Dayaceen Xilalkii Loo Ikmaday  +Dhageyso

0

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug oo Xalay  shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee maamulkaas ayaa ku eedeeyay Madaxda Maamulka Galmudug in ay ku tunteen dastuurka Maamulkaas, islamarkaana aysan haatan Galmudug laheyn wax hogaan ah.

Xildhibaanada Shirka jaraaid ku qabtay  Magaalada Cadaado ayaa sheegay in uusan jirin Mas’uul ku sugan Magaalada Cadaado, islamarkaana madaxda ugu sareysa Galmudug ay ka maqan yihiin deegaanada Galmudug.

“Waxaa dhacay qalad weyn, haduu Madaxweynaha Galmudug maqan yahay waxaa  la wareegaya xilka Madaxweyne ku-xigeenka,haduu Madaxweyne ku-xigeenka  maqan yahay waxaa la wareegaya Gudoomiyaha Baarlamanka, haduu Gudoomiyaha Baarlamanka  maqan yahay waxaa la wareegaya Gudoomiye ku-xigeenka kowaad, balse nasiib daro dhamaanba ma joogaan Madaxtooyada, Galmudug in la inqilaabo way u sahlan tahay  xiligaan”, ayuu yiri Mid kamid ah Xildhibaanada Galmudug.

Dhamaanba Xildhibaanada dowladd Goboleedka Galmudug ayaa ka codsaday Guddoonka Sare ee Baarlamanka Galmudug in la qabto kulan deg deg ah oo loogu hadlaayo sida loo dayacayo xilalka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here