Ururka NATO oo Sheegay In Lasoo Gaba-gabeeyay Howlgalkii Lagula Dagaalamayay Burcad Badeeda

0

Saraakiisha Ururka Isbaheysiga Caalamiga ah ee NATO ayaa sheegay in ay soo gaba-gabeeyeen howlgalkii ay kula dagaalamyeen Burcad badeeda 15 December ee bishan iyada oo dhaq-dhaqaaqa howl galkani uu ku ekaa dabayaaqadii bishii November ee sanadkan 2016-ka.

NATO ayaa howlgalkeedii ugu weynaa ka bilowday Badweynta India ocean ee kulaala xeebaha Soomaaliya sanadkii 200-KII9 waxaa sidoo kale howlgalkaani kusoo biiray howlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaano  Atlanta si ay ugu hortagaan afduubka lagula kaco maraakiibta ganacsiga ee isticmaala badweynta Indian ocean sanadkii 2012-kii.

“Isbaheysiga ladagaalanka burcad badeeda  Soomaliya kadib ayeynu u bilaawi karnaa hadii ay soo baxdo baahi loo qabo” Sidaasi waxaa yiri afayeen u hadlay NATO oo lagu magacaabo Oana Lunescu.

NATO ayaa horay u bilowaday islamarkaana diirada saartay howl-galadeeda kaga aadan bartamaha Badda meditreeneanka si ay u caawiso maraakaabita halkaasi isticmaasha iyo hubka isa kala goosha Waqooyiga qaarada Africa ee kayimaada xeebaha qaarada Europe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here