Guddiga madaxa banaan ee xalinta Khilaafaadka doorashooyinka Somalia ayaa ka jawaabay War ay si wadajir ah usoo saareen guddiyada doorashooyinka maamul goboleedyada kaasoo ay kaga soo horjeesteen 11 xildhibaan oo guddiga xalinta khilaafaadku uu laalay.



