Magaalada Garoowe oo Lagu Soo Gaba-gabeeyay Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka

0

Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland waxaa xalay lagu Soo gaba-gabeeyay doorashada Xubanaha aqalka Hoose ee baarlamaanka Federaalka Soomaliya ku matalaya deeganada Maamulkaas.

Kurisigii ugu dambeeyay ee xubnaha aqalka Hoose baarlamaanka Soomaliya ee ka imaanaya deeganada Puntland waxaa ku guuleysatay Ikraam Yuusuf Xirsi oo ka soo jeeda Gobolka Sool ee Puntland.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka maamul goboleedka Puntland Khaliif Ow-Cali oo markii lasoo gaba-gabeeyay doorashada warbaahinta kula hadlay goobta ayaa sheegay in si wanaagsan ay doorashada ugu soo gaba-gabowday, islaamarkaana doorashada ka dhacday Garoowe ay ka duwaneed kuwa ka dhacay maamul Goboleedyada kale oo laga soo sheegayay Masuq-maasuq iyo wax isdaba marin, waa siduu hadal u dhigee.

Maamulka Puntland ayaa noqday maamulkii 5-aad ee soo dhameystira Xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya ugu matalaya, waxaa magaalada Garoowe lagu doortay 37 Xildhibaan ee Puntland u matalaya barlamaanka, waxaana ka mid ah xubnaha la doortay 7 haween ah.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa saxiixi doona Xubnaha lagu doortay Magaalada Garoowe sida uu sheegay Gudoomiyaha Guddiga doorashada heer dowlad Goboleed Puntland, kadibna waxay usoo amba bixi doonaan Magaalada Muqdisho si ay shahaadooyinkooda u qaataan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here