Dagaalyahanada Al-shabaab oo Burburiyay Anteenooyinka Shirkada Isgaarsiinta Safaricom

0

Xoogaga Xarakada Al-shabaab ayaa weerar  ku qaaday shirkada isgaarsiinta Safaricom islamarkaana bur-buriyay  laanta ay ku leedahay deegaanka El-wak ee magaalada mandera ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Gudoomiyaha deegaankaasi  Fredrick shisia ayaa sheegay weerarka in uu dhacay galinki dambe ee shalay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay ka awood badiyeen 5 askari oo Kenyan ah kuwaa oo ahaa ilaalida shirkada Safaricom.

“shan kamid ah waardiyayaasheena ayaa isku dayay in ay iska caabiyaan weerarka Al shabaab laakiin hubka dagaalyahanada ayaa ahaa mid culus si nabad ah ayeyna u baxsadeen” sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha deegaanka.

Waxaa uu intaa raaciyay in qasaaaro badan loo gestay shirkada isla markaana taalooyinkii shirkada  Safaricom la bur-buriyay.

Waxaaana mr shisia uu dafiray in weerarkaan uu kaga yimid dhanka Somaliya gaar ahaan deegaanka Elwak isaga oo xusay in uu yahay weerar caadi ah oo koox Argagixiso ah ay fuliyeen, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaan heysanaa awood amni oo aan ku ilaashan karno wadooyinka dadka ay isticmaalaan iyo waliba  ganacsigeena anagoo aan ka cabsi qabin wax weerar ah.

20 Bishii November sanadkan 2016 –ka waxaa weerar lagu qaaday xarun kaalin shidaal ah oo ku taalo isla deegaankan Elwak.

Halka 3 December ee isla  saddex qof oo gaari saarnaa ay bam ku tureen gaari siday shidaal kaa oo ku qarxay wadada dhexdeeda oo dhawaacyo ka soo gaaray dadkaa gaarigaasi saarnaa.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here