Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegtay in Xoolaha Soomaliya aysan qabin cudurka Rigtifaali oo dhawaan Dowladda Sacuudiga sheegtay in ay qabaan, kadib baaritaan ay sameysay.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Saciid Xuseen Ciid oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in baaritaano hordhac ah ay soo saareen guddiga loo xilsaaray ay muujinayaan in aysan wax Cuduro ah qabin Xoolaha Soomaliya, islamarkaana ay dowladda Sacuudiga ay cadeyso sababaha ay usoo celisay Xoolaha.
“Runtii guddi Caafimaad ayaan u xilsaarnay arinta nagula soo eedeeyay ee ah in Xoolaha Soomaliya ay qabaan cudurka Rigtifaali ee xoolaha ku dhaca, baaritaano dheer kadib waxaa inoo soo baxday in aysan qabin wax Cudur ah”, ayuu yiri wasiirka Caafimaadka Soomaliya Saciid Xuseen Ciid .
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa tilmaamay in bil walba la talaalo xoolaha Soomaliya si loogu hortago Cudurada ku dhaco xoolaha.
Qaar ka mida ganacsatada Xoolaha ee ku sugan magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga ayaa la wadaagay warbaahinta qoraal ay sheegeen inuu ka soo baxay Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga, kaas oo sheegayey in si ku-meel gaadh ah loo hakiyey Xoolihii Soomaalida ee dalkaas tegayey.

