Faah-faahin:-Qarax Goordhaweyd Ka Dhacay Nawaaxiga Dekadda Magaalada Muqdisho+Sawirro

0

Inta la xaqiijiyay 15-ruux ayaa ku dhaawacantay  tiro kalana way ku dhinteen kadib markii qarax xoogan oo gaari loo adeegsaday uu ka dhacay Nawaariga Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo ahaa mid aad u xoog badan islamarkaana dhawaqihiisa laga maqlay degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wararka waxa ay sheegayaa in uu ahaa mid ismiidaamin ah islamarkaana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,ujeedkana uu ahaa in lala galo gudaha Dekadda Magaalada Muqdisho.

Qaraxa kadib waxaa laga maqlay goobta rasaas xoogan ay ridayeen Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya ee ku sugan dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho, waxaa goobta soo buux dhaafiyay Ciidamo ka Tirsan kuwa dowladda Soomaliya, gaar ahaan kuwa Hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka qaranka.

Ilaa haatan ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay Mas’uuliyada qaraxa ka dhacay Nawaaxiga Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

qaru_1 qaru_2 qaru_3 qaru_5 qaru_6+S

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here