Raisulwasaaraha Soomaliya oo Puntland Ka Qancinaya Tabashooyinka Doorashada Soomaliya

0

Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa xalay Madaxtooyada Maamulka Puntland kulan kula qaatay Madaxweynaha Maamulkaas Dr C/wali maxamed Cali Gaas.

Kulanka oo ahaa mid ay saaxafada dibad joog ay ka hayed ayaa lagu waramayaa in loogu hadlay arrimaha doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka, iyo cabashooyinka wali ay Puntland ka qabaan doorashada Soomaliya.

“Waxaan mahad balaadhan u jeedinaya Madaxweynaha  Puntland iyo masuuliyiintii kale ee nasoo dhoweeyey aniga iyo wefdigayga, waxaan halkan u nimaadnay arrimaha doorashada saan lawada soconona waxaa lagu jiraa xili ay doorashadu gebogebo ku jirto wuxuuna socdaal kayagani salka ku hayey sidii aan u dardargelin halayn dhamaystirka doorashooyinka iyo inaanu madaxweynaha ka wada hadalo sidii ay doorasha inta hadhay loo waajihi lahaa, sidoo kale waxaan lasoconaah in abaar xumi dalka ka jirto illaahay abaarta haynaga saaro, insha allah waxaan baaq ku saabsan Abaarta oo wada jira wada qaban doonaah Madaxweynaha oo aan kula hadlayno beesha caalamka  iyo cid walba oo gacan ka gaysan karta gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyen ”ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake mar uu saxaafadda kula hadlay magaalada garoowe.

Dhanka kale warar madax banaan aynu ka halayno Madaxtooyada Puntland ayaa ku waramaya in Labada mas’uul ay diirada saareen qilaafka ka taagan sida laga yeelayo xubnaha aqalka Sare ee ka imaanaya Gobolada Sool iyo Sanaag, oo maamulada Puntland iyo Somali-land ay xiligaan ku muransan yihiin.

” Haddii kuraastu (aqalka sare) ay dirta waqooyi leedahay ha la siiyo, oo ha lagu dhawaaqo, marna inay yiraahdaan sool, Sanaag iyo Cayn Somaliland ayay ka mid tahay, marna yiraahdaan Dirta waqooyi ayaa  qaadanaysa,” sidaas waxaa  yiri madaxweynaha puntland oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here