Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland waxaa maanta dib ugu bilaabanaysa doorashada Xubnaha aqalka Hoose ee Baarlamanaka Soomaliya ku matalaya deeganada Maamulkaas.
Doorashada ayaa mudooyinkii dambe hakad ku jirtay kadib markii Maamulka Puntland uu sheegay in Madasha Wadahasiga qaran aysan fulinin balan qaadkii ahaa in doorshada Xubnaha ka imanaya Gobolada Sool iyo Sanaag In lagu qabto magaalada Garoowe, halka Soomali-land ay sidoo kale ka biya diidan tahay go’aanka maamulka Puntlnd.
Dadaal badan kadib Guddiga doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa ku Guuleystay in la xaliyo tabashooyinka Maamulka Puntland, kadib kulan ay la qaateen madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Eng C/xakiin Xaaji Cumar Camey, iyo gudoomiyaha Baarlamanka Maamulkaas.
Dhanka kale madaxda Maamulka puntland ayaa isku qilaafay Go’aanka kasoo baxay Madasha Wadatashiga qaran ee ku aadanaa sida laga yeelayo saamiga Gobolada Sool iyo Sanaag ay labada Maamul ay isku hayaan.
“Madashu waxay si qottodheer u falanqysay arrinta ku saabsan saamiga ay Gobollada Sool iyo Sanaag ee Soomaaliland ku yeelanayaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, Madashu waxay guddoonsatay in shir ay u wada dhan yihiin Madaxda Madasha lagu qabto Muqdisho 13ka Diseembar 2016 si arrinka saamiga ay labadan gobol ku yeelanayaa Aqalka Sare laysula meeldhigo”, ayaa lagu yiri go’aankii kasoo baxay Madashada.

