Xog-hayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya C/kariin buux oo dhawaan warbaahinta kula hadlay xarunta Villa Hargeysa oo ah xarunta gudiyada iyo madaxda baarlamaanka dalka ayaa sheegay in bishaan lexdeeda ay Muqdisho isugu imaanayaan xildhibanada labada aqal ee dalka.
Idaacadda Simba oo ka duuleyso balan waqtiyaadkaasi ayaa Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada aqalka hoose ee Soomaaliya waxaan hordhignay suurto galnimada in maalin kadib Muqdisho ay kuwada kulmaan kulankoodii ugu horeeyane ay wada qaataan Xildhibaanada labada aqal ee dalka.
Xildhibaan Max’ed Cumar Dalxa ayaa taasi ugu jawaabay in aysan xiligaani u muuqan in lexda bishaan oo ku beegan maalinta Talaada ah in ay qaataan kulankooda ugu horeeyo maadaama uu sheegay in wali ay socdaan doorashada dalka taasine uu ku sheegay in aysan suura galineen.
Xog-hayaha guud ee baarlamaanka soomaaliya ayaa 30-ka bishii tagtay ee November ku dhawaaqay in Magaalada Muqdisho ay kulan ku yeelan doonaan xildhibaanada labada aqal ee dalka kusoo baxay isagoona sheegay in kulankaasi ay kaga go’aan gaari doonaan doorashada iyo habka dalka hagayo.
Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee dowladda Soo socota ee dhismaheedu uu socdo ayaa ka duwan xildhibaanadii dalka soo maray waxa ayna ka kooban yihiin labo aqal.

