Cismaan Maxamed Aadan oo Ka Mid ah Ganacsatada Mandheera ee Gobolka Waqooyi ee dalka Kenya oo la hadlay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin xooggan ay xiligaani ku hayaan.
Ganacsade Cismaan Max’ed Aadan ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay xili dheer ku amraan in ay xiraan goobahooda ganacsi maadaama uu sheegay in ay difaac ka galayaan weeraro ay Al-Shabaab ku qaadaan ciidamada Kenya.
Waa uu sii hadlay waxa uuna tilmaamay in xiliyada salaadda iyo waliba waqtiyada waxbarashada ay cabado ku noqdeen isagoona codsaday in arintaani dowladda Kenya ay faragalin ku sameyso arintaasi ay ka cabanayaan.
Dowladda Kenya ayaa ciidamo fara badan soo dhigtay xadka ay la wadaagto soomaliya taniyo markii ay sheegeen in ay ka baqdin qabaan weeraro ay Xarakada Al-Shabaab ku qaadaan gudaha dalkaasi.
Gobolka Waqooyi bari ee Kenya waxaa marar badan ka dhacay weeraro ay mas’uuliyadoodu ay sheegteen Al-Shabaab sidoo kalane waxaa ka dhacay weeraro gaadmo ah oo lagu toogtay saraakiil u badan booliiska dalkaasi.

