Ciyaaryahanka kooxda Barcelona Lionel messi ayaa Tababar la qaatay ciyaartooda kooxda Barcelona B oo ah kooxda ka Yar kooxda Barcelona
Laacibka reer Argentine ayaa la arkaayay isagoo Tababar la sameynayo ciyaartooda yar yar ee kooxda Barcelona B kadib markii uu mudooyinkii dambe dhaawacyo kooxda kaga Maqnaa,
Macalinka kooxda Barcelona B Gerard Lopez ayaa saxaafada u sheegay in ciyaartoyga Lionel messi iyo ciyaaryahanada Yar yar ee kooxda Barcelona B ay Tababar isla sameeyeen maanta oo isniin ah
Lionel Messi ayaa garoomada Mudooyinkii dambe ka Maqnaa kadib dhaawac kasoo gaaray kulankii ay la ciyaareen kooxda Las Palmas Bishii September

