Xidiga qadka dhexe ee kooxda Manchester United Juan Mata ayaa ka Hadlay wararka ku aadan in laacibka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo uu dib ugu soo laaban doono noloshii Garoonka Old Trafford laakin waxa uu aaminsan yahay in uu ku Faraxsan yahay Nolosha uu xiligaan ku Haysto kooxda Madrid.
Super Cristiano Ronaldo ayaa lix xili ciyaareed ku sugnaa Garoonka Old Trafford intii u dhaxeysa sanadihii 2003 iyo 2009 waxa uu dhaliyay 118-gool 292-kulan uu u saftay waxa uuna kula Guuleystay 9-koob dhamaan Tarmada uu dhan waayihii macalin Alex Ferguson’
Taageerayaasha kooxda Manxhester United ayaa wali ku rinoonaya in ay dib u helaan laacibka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo xiligaan ka Tirsan kooxda Real Madrid ee dalka Spain.
Juan Mata “ Waa wax aan Marnaba dhici Karin in Cristiano Ronaldo uu dib ugu soo laabto kooxda Manchester United.

