Thiago Alcantara oo Garoomada ka Maqnaan doona Mudo 4-Todobaad

0

Xidiga kooxda Beyer Munich Thiago Alcantara ayaa la xaqiijiyay in uu garoomada  ka Maqnaan doono Mudo 4-Todobaad ah kadib dhaawac kasoo gaaray kulankii Spain iyo xulka dalka Ingiriiska .

Laacibkaan ayaa ciyaarta Laga saaray qeybtii Hore waxaana Lagu badalay xidiga qadka dhexe ee kooxda arsenal Santi Cazorla ciyaartii Spain ay 2:0 ay kaga adkaadeen xulka dalka Ingiriiska.

Wararka qaar ee soo baxayay ayaa Tilmaamayay In dhaawaca soo gaaray laacibka reer Spain in uu Noqon doono midkii Horaantii sanadkii 2013-kii  soo gaaray kaasi oo inta badan garoomada seejiyay laacibka.

Laakin Thiago Alcantara oo Taageerayaashiisa bartiisa Twitter kula Hadlay ayaa u sheegay in xaaladiisa ay Tahay mid aad u wanaagsan garoomadana uu dib ugu soo laaban doono maalmaha soo socda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here