Xidiga kooxda Beyer Munich Thiago Alcantara ayaa la xaqiijiyay in uu garoomada ka Maqnaan doono Mudo 4-Todobaad ah kadib dhaawac kasoo gaaray kulankii Spain iyo xulka dalka Ingiriiska .
Laacibkaan ayaa ciyaarta Laga saaray qeybtii Hore waxaana Lagu badalay xidiga qadka dhexe ee kooxda arsenal Santi Cazorla ciyaartii Spain ay 2:0 ay kaga adkaadeen xulka dalka Ingiriiska.
Wararka qaar ee soo baxayay ayaa Tilmaamayay In dhaawaca soo gaaray laacibka reer Spain in uu Noqon doono midkii Horaantii sanadkii 2013-kii soo gaaray kaasi oo inta badan garoomada seejiyay laacibka.
Laakin Thiago Alcantara oo Taageerayaashiisa bartiisa Twitter kula Hadlay ayaa u sheegay in xaaladiisa ay Tahay mid aad u wanaagsan garoomadana uu dib ugu soo laaban doono maalmaha soo socda.

