Xidiga qadka dhexe ee xulka dalka Spain ee iyo kooxda Chelsea Cesc Fabregas ayaa ka Hadlay warar sir ah oo ku aadan in kooxda Real Madrid ay isku dayday in lasoo wareegto sanado ka Hor
Laacibka qadka dhexe ee kooxda Chelsea Cesc Fabregas ayaa Tilmaamay in madaxweynayaal kala duban oo xilal kasoo qabtay kooxda Real Madrid ay xiriiro lasoo sameeyeen si uu ugu soo biiro kooxda caasimada dalka Spain ee Real Madrid.
28-jirkaan ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Bracelona xili ciyareedkii 2011 kadib markii uu waqti wanaagsan uu kusoo qaatay kooxda Magaalada London ee Arsenal isagoona ku sugnaa xiligaas ingiriiska mudo 8-sano,
Xili ciyaareedkii aynu dhaafnay ayuu dib ugu soo laabtay Horyaalka dalka Ingriiska isagoona ku biiray kooxda Chelsea wuxuuna kula Guuleystay Horyaalka dalka Ingiriiska iyo koobkii League Cup-ka.

