Cesc Fabregas : Real Madrid Waxay isku dayday in ay Heshiis ila Gaarto

0

Xidiga qadka dhexe ee xulka dalka Spain ee iyo kooxda Chelsea Cesc Fabregas ayaa ka Hadlay warar sir ah oo ku aadan in kooxda Real Madrid ay isku dayday in lasoo wareegto sanado ka Hor

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Chelsea Cesc Fabregas ayaa Tilmaamay in madaxweynayaal kala duban oo xilal kasoo qabtay kooxda Real Madrid ay xiriiro lasoo sameeyeen si uu ugu soo biiro kooxda caasimada dalka Spain ee Real Madrid.

28-jirkaan  ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Bracelona xili ciyareedkii 2011 kadib markii uu waqti wanaagsan uu kusoo qaatay kooxda Magaalada London ee Arsenal isagoona ku sugnaa xiligaas ingiriiska mudo 8-sano,

Xili ciyaareedkii aynu   dhaafnay ayuu dib ugu soo laabtay Horyaalka dalka Ingriiska isagoona ku biiray kooxda Chelsea wuxuuna kula Guuleystay Horyaalka dalka Ingiriiska iyo koobkii League Cup-ka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here