Waxaa maanta Balanku ahaa in la qabto Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaliya iyo ku-xigeenadiisa Waxaana gudigga doorashooyinka dadban ee dalka hore ay dhagaha dadka u maqashiyeen in Bari oo ay taariikhdu ku beegan tahay 24-ka Bisha November ay dhacaayaan bilowga doorashooyinka gudoonka baarlamaanka Soomaliya.
Guddiga Doorashada Dadban ee dalka ayaa dhawaan cadeeyay in Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya iyo ku xigeenadiisa ay dhaceyso 24-ka bishaan, halka 30-ka Bishaan loo balansan yahay in la qabto Doorashada Madaxweynaha Soomaliya.
Weli waxaa magaalooyin ay kamid yihiin Cadaado, Baydhabo, Jowhae, Garoowe ka soconayo doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka Federaalka soomaaliya halka jubba-land ay sheegtay maanta la soo dhameystirayo 43 Xildhibaan ee wakiilka u noqonayo jubba-land.
Meelaha qaar oo ay doorashooyinka ka dhacayaan waxaa laga soo warinayaa in ay ka jiraan wax isdabamarin badan waxana cad in musharixiinta qaar ee u tartamaya xilka madaxtinimo ay lacago badan ku bixinayaan xildhibaanada haatan la soo xulayo.
Dib u dhaca muuqaanaya ee aan sacabada lagu dadi Karin weli waxaan ka hadlin Guddiga doorashooyinka dadban ee dalka, balse shacabka ayaa la qabsaday dib u dhacyo badan oo Guddiga doorashooyinka ay baahiyeen.
Doorashooyinka aqalka hoose ayaa galaaftay nolasha shaqsiyaad quudareynayay kamid noqoshada ergooyinka iyo dad shacab ahaa, waxaana muuqan cashir Guddiga doorashooyinka arinkaa ay ka dhexlayaan taa oo ay u sii dheertay in waxa la sugayo ay yihiin doorashooyinka gudoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha Soomaliya.
Goobaha laga baqanayo in daruufo dhaqaalo doorashadooda loo xiro waxaa kamid ah magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka puntland xarumaha doorashooyinka ay ka dhacayaan mana muuqaato lacagaha badan ee gacanta ay ku hayaan guddiga doorashooyinka dadban ee dalka qaabka dhabta oo ay u maamulayaan.
Waxaa maanta balanku ahaa in xubnaha u tartamaya Gudoomiyaha baarlamaanka ay khudbadahooda jeediyaan berina la qabto doorashada gudoonka baarlamaanka
By: Sharmarke Maxamud Xuseen

