Dawlada Kenya oo Faahfaahin ka Bixisay Weerar lagu qaaday iskuul ku yaala degmada Wajeer.

0

Kooxo hubaysan oo lagu tuhusanyahay in ay xiriir laleeyihiin Al shabaab ayaa weeraray gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Ragaan hubaysan ayaa weerarka la bartilmaameedsaday iskuul ku yaala degaan ku dhow xuduuda dawlada Kenya ay lawadaagto Somalia iskuulkaas oo imtixaan uu ka socday xiliga weerarka lagu qaaday ayaa waxaa uu iska hor imaad dhexmaray ciidamo boolis ah halkaas illaalo ka hayay iyo kooxdii weerarka soo qaaday.

Sargaal sare oo booliska Wajeer ka tirsan ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dablayda soo weerartay iskuulka ay iska caabiyeen ciidamada Booliska ee ilaalada ka hayay Iskuulka,ayadoo ay ka firxadeen ardaydii iskuulka ku sugnaa.

Gudoomiyaha Gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya Mohamud Saleh ayaa asna waxaa uu sheegay iskuulka ay waardiye ay ka hayeen 6 askari oo ka tirsanaa ciidamada booliska.

Dawlada Kenya ayaa waxaa ay sheegtay in uu jiro tuhun ku aadan in weerarkaas ay geysteen Xarakada Al shabaab balse aysan cadayn illaa iyo hada in ay ayagu geysteen.

Mohamud Saleh  waxaa uu tilmaamay in baaritaan uu ku socdo sababta uu u dhacay iyo cidda rasmiga ah ee ka dambaysay weerarkaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here