13-ruux oo U Geeriyootay Biyo La’aan Deegaanno ka Tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag+Dhageyso

0

Wararka ka imaanaya Gobolada Sool iyo Sanaag ayaa ku waramaya in ku dhawaad 15-ruux saacadihii ugu dambeeyay ay deeganadaas  ugu geeriyoodeen biyo La’aan, xili abaarta ka jirta Goboladaas ay gaartay heerkii ugu sareysay.

Abshir C/casiis Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Khaatumo State oo la hadlay idaacadda simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saacadihii ugu dambeeyay dad kor u dhaafaya 13-ruux ay u dhinteen haraad iyo gaajo.

“Ilaa 3-meelood  oo ka  Tirsan Gobolka Sool iyo Sanaag ayaa haatan laga soo sheegayaa in ay saameysay abaarta, ilaa iyo 13-qof ayaa saacadihii ugu dambeeyay haraad iyo gaajo ugu  geeriyooday abaarta jirta, abaarta waxa ay gaartay heerkii ugu xumaa mana jirto cid soo gurmatay dadka abaarta ay saameysay”,ayuu yiri Abshir C/casiis.

Gobolada dalka Soomaliya waxaa haatan ka jira abaaro saameeyay dadka iyo duunyada waxaase jirin cid ilaa haatan u gurmaday dadkaas.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here