Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Waabari Xuseen Axmed Culusow ayaa maanta la wareegay xilka cusub ee Gudoomiyaha degmadaas kadib markii dhawaan wareegto kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha xilkii loogu qaaday Gudoomiyihii hore Xaawo Maxamuud Cali (kiin)
Xil Wareejintaan oo ka dhacday xarunta degmada waabari ee Gobolka Banadir ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane ismaaciil Macallin Cabdi Guure, laamaha amaanka degmada waabari iyo Mas’uuliyiin kale.
Ugu horeyntii Gudoomiyihii Degmada Xaawo Maxamuud Cal i(kiin) oo munaasabada ka hadashay ayaa sheegtay in mudadii ay xilka haysay ay wax badan ay qabatay iyadoo kula dardaarmatay gudoomiyaha cusub in uu meesha kasii wado howsha.
Dhanka kale Gudoomiyaha Cusub ee Degmada waabari Xuseen Axmed Culusow oo dhankiisa munaasabadda ka hadlay ayaa ku amaanay gudoomiyihii hore xaawo kiin in wax badan ka qabatay isagoo ugu baaqay shacabka degmadaas in ay la shaqeyeen
Ugu dambeyntii Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ismaaciil Macalin cabdi Guurre ayaa kula dardaarmay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Waabari in uu la shaqeeyo Bulshada Reer Waabari oo ah Bulsho u Hogansan Dowladnimada.






