Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Waabari oo Xilka La Wareegay (Daawo Sawiradda)

0

Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Waabari Xuseen Axmed Culusow  ayaa maanta la wareegay xilka cusub ee Gudoomiyaha degmadaas kadib markii dhawaan wareegto kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha xilkii loogu qaaday Gudoomiyihii hore Xaawo Maxamuud Cali (kiin)

Xil Wareejintaan  oo ka dhacday xarunta degmada waabari ee Gobolka Banadir ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane ismaaciil Macallin Cabdi Guure, laamaha amaanka degmada waabari iyo Mas’uuliyiin kale.

Ugu horeyntii Gudoomiyihii Degmada Xaawo Maxamuud Cal i(kiin) oo munaasabada ka hadashay ayaa sheegtay in mudadii ay xilka haysay ay wax badan ay qabatay iyadoo kula dardaarmatay gudoomiyaha cusub in uu meesha kasii wado howsha.

Dhanka kale Gudoomiyaha Cusub ee Degmada waabari Xuseen Axmed Culusow   oo dhankiisa munaasabadda ka hadlay ayaa ku amaanay gudoomiyihii hore xaawo kiin in wax badan ka qabatay isagoo ugu baaqay shacabka degmadaas in ay la shaqeyeen

Ugu dambeyntii Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Maamulka Gobolka Banaadir  ismaaciil Macalin cabdi Guurre ayaa kula dardaarmay Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Waabari in uu la shaqeeyo Bulshada Reer Waabari oo ah Bulsho u Hogansan Dowladnimada.

15110504_1792978157607602_6766035706572696929_o 15110894_1792978470940904_3466324628685670012_o 15129424_1792979947607423_4456283652633484864_o 15129494_1792978277607590_3289045870569145012_o 15138442_1792978400940911_6067806195203089454_o 15171275_1792979447607473_7681942713900689035_n

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here