Wasiirka Difaaca soomaliya oo la Kulmay U-qeyb-sanaha Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Xuququl insaanka

0

Wasiirka gaashaandhiga dowlada soomaliya Jeneraal C/qaadir sheikh Cali diini ayaa maanta la Kulmay u qeybsanaha Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Xuququl insaanka Ivan Simonovic iyagoona kawada Hadlay arimaha ka hortaga Askareynta iyo u adeegsiga xaaladdaha dagaalka carruurta aan weli qaan gaarin.

Mudane C/qaadir sheikh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhiga soomaliya ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay mar walba dhowrayso heshiiskii horey ay ula gashay hay’ada UNICEF ee dhigayay in aan la askareyn carruurta da’doodu ka yar tahay 18jirka.

Wasiir diini ayaa u sheegay u qeyb sanaha Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Xuququl insaanka Ivan Simonovic In ciidamada dowlada soomaliya mar walba la baro dhowrista xuquuqda aadanaha waqtiyada dagaalka iyo marka ay jirto xaalad caadi ah.

Dhanka kale u-qeyb sanaha Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Xuququl insaanka Ivan Simonovic ayaa ku amaanay Wasaaradda Gaashaandhigga dowlada soomaliya dhowrista xaquuqal Insaanka isagoona sidoo kale Tilmaamay in wadanka soomaliya uu kasoo gudbayo xiligii lagu Tirin jiray wadamada ku xadgudba Xuququl insaanka

received_1114284951917327 IMG_-swoefh IMG_kcz6by C360_2015-11-14-11-34-03-983

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here