Wasiirka Gaashaandhiga Soomaliya C/qaadir Sheikh Cali Diini oo Cambaareeyay Weerarkii Akadeemiyada Kismaayo

0

Wasiirka Gaashaandhiga dowlada soomaliya Jeneraal C/qaadir sheikh cali diini ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Todobaadkaa gudihiisa Lagu qaatay xiro ay ku xareeys-naayeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Maamulka Jubbaland oo ku Talaay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada-Hoose.

Wasiir diini ayaa sheegay in wax laga xumaado ay Tahay in weerar Lagu qaado ciidamo Tababar qaadanay wuxuuna Tacsi u direy dhamaan qoysaskii ay ka dhinteen ciidamadii ku xareeys-naa xarunta Akadeemiyada Magaalada Kismaayo gobolka Jubada-Hoose.

Dhanka kale wasiir Gaashaandhiga dowlada soomaliya Jeneraal C/qaadir sheikh cali diini ayaa Hambalyo u direy dhamaan ciidamada dowlada iyo kuwa Midowga Africa ee amisom Guulaha ay ka gaareen dagaalada ay kula jiraan xarakada al-shabaab oo wali ku sugan qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya.

Hadalka wasiirka Gaashaandhiga dowlada soomaliya Jeneraal C/qaadir sheikh Cali diini ayaa imaanaya xili ciidamo ka Tirsan Al-shabaab  ay weerar ku qaadeen xarun ay ku xareeys-naayeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Maamulka Jubbaland.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here