Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen guuleed ayaa Maanta Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ka Furay shirka loogu Hadlaayo arimaha Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka
Shirka ka Furmay Magaalada Cadaado waxaa ka qeyb Galaya qeybaha kala duban ee Bulshada ku dhaqan Magaalda Cadaado ee Gobolka Gagaduud sida xidlhibaano ka Tirsan Baarlamanka soomaliya, odoyaal, iyo wasiiro ka Tirsan dowlada soomaliya uu kamid yahay Wasiirka Cadaaladda dowlada soomaliya C/llaahi Axmed Jaamac “Ilka Jiir”.
Dhanka kale qaar kamid ah odoyaasha Magaalada cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa kasoo Horjeystay shirka maanta ka Fumay Magaalada cadaado ee isla Gobolka Galgaduud iyagoona ku Tilmaamay mid aan waxba soo kordhin doonin.

