Guddiga Xallinta Xiisadda Gaalkacyo oo Kormeer Ku Tagay Xarumihii Laga Lala Qaaday Ciidamada

0

Guddiga Xallinta Xiisadda Magaalada Gaalkacyo ee dhawaan sida wadajirka ah ay u magacaabeen Madaxweynayaasha Mamulada Puntland iyo Galmudug iyo Raisulwasaaraha cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa Maanta waxa ay tageen oo ay kormeer waqti qaatay ay ku sameeyeen xarumnihii dhawaan laga kala qaaday ciidamada labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug oo dagaallo xooggan ay magaaladaasi ku dhaxmareen.

Guddiga ayaa tagay xarumo ciidamada labad dhinac kuwaasi oo iyagu u kuurgalyey saameynta dagaalada iyo waliba waxa ka dhaqangalay xabad-joojintii la gaaray iyo sidoo kale kala qaadidda ciidamada labad dhinac.

Guddiga oo ay qayb ka yihiin guddoomiyayaasha Gobolka Mudug ee Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa ay la kulmeen taliyayaasha ciidamada isku hor fadhiyey Magaalada Gaalkacyo,waxaana ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan sida ay u socoto nabaddii looga dhawaaqay magalaada.

Dhanka kale wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in dadkii ka barakacay magaaladaasi ay bilaabeen qaarkood in ay dib ugu laabtaan magaalada Gaalkacyo kadib heshiiskii dhacay,waxaana ay rajo ka muujinayaan in mar dambe aysan soo laaban colaad la mid ah tii muddooyinkii dambe ka jirtay magaaladaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here