Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Puntland Xarunteeda Magaalada Magaalada Boosaaso ayaa maanta xukuno ku riday 5-nin oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin Daacish Soomaliya.
Laba ka mid ah raggan, ayaa waxay Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho, iyadoo ay xabsi daa’in ku xukuntay laba kale, halka midka shanaadna ay amartay in lagu wareejiyo Wasaaradda Cadaaladda puntland, si ay dhaqancelin ugu samayso, maadaama aanu weli gaarin da’da qaangaarka.
Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee shanta Gobolka Puntland , C/fitaax Xaaji Aadan, oo ku dhawaaqay xukunadan oo maanta ka dhacay xabsiga wayn ee Magaalada Boosaaso ayaa sidaan u aqriyay xukunada ‘’Axmed Aadan C/laahi Aw Cabdi oo 26 jir ah iyo C/laahi Maxamed Aadan Cabdi oo 22 jir ah, ayay Maxkamaddu ku xukuntay xukun dil ah, Saalax Xuseen Ibraahim Miidow oo 25 jir ah iyo C/fitaax Jamaal oo 19 jir ah, ayay sidoo kale Maxkamaddu ku xukuntay xabsi daa’in, Farxaan C/laahi Faarax oo aan qaangaar ahayn, ayay Maxkamaddu xukmisay in lagu wareejiyo Wasaaradda Cadaaladda, si ay dhaqancelin ugu samayso.

