War Deg Deg: Hogaamiyihii kooxda Daacish ee Wadanka Labiya oo duqeyn Lagu dilay

0

Dowlada wadanka Marekanka ayaa sheegtay in ay dishay Hogaamiyihii kooxda Daacish ee wadanka Labiya kadib weerarkii Magaalada Paris ee wadanka Faransiiska.

Diyaaradaha dowlada wadanka  Marekanka ee loo yaqaano F-15 jet ayaa duqeyn ka Fuliyay Bariga Magaalada Darnah ee wadanka Labiya oo la sheegay in uu ku sugnaa Hogaamiyaan sare ee ka Tirsanaa Kooxda Daacish.

Saraakiil u hadashay dowlada wadanka Marekanka ayaa sheegtay in lagu guuleystay in duqeyn Lagu dilo Hogaamiyihii kooxda Daacish ee wadanka Labiya Abu Nabil iyo mas’uul sar sare oo ka Tirsanaa kooxda Daacish.

Dilka Hogaamiyahaan kooxda daacish ayaa imaanaya xili Habeenkii xalay ahaa weerar Lagu qaaday Magaalada Paris ee wadanka faransiiska waxaana mas’uuliyada weerarkaas sheegtay kooxda Daacish

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here