Dhaqdhaqaaqa Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo Saakay Hakad ku Jira

0

Wararka saakay Naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in isku socodka dadka iyo Gadiidka uu hakad ku jiro

Xaafadaha Magaalada Beledweyne waxaa saakay Lagu arkayaa qaar kamid ah Ehelada Marxuumkii shalay Lagu dilay Magaalada Beledweyne kuwasoo wata Hubka Noocyadiisa kala duban.

Beesha uu kasoo jeeday Ninkii shalay Lagu dilay Magaalada Beledweyne ee ahaa Mas’uulkii Hay’ada Main action ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in aysan aqbali doonin wax kale ilee Gacanta Lagu soo dhigo ninkii dilka geystay,

Dhanka kale Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka gaabsaday in uu ka Hadlo dilkii shalay ka dhacay Gudaha Magaalada Beledweyne oo loo geystay Mas’uulkii Hay’ada Main action ee Magaalada Beledweyne

Shalay aya aheyd Markii Gudaha Magaalada Beledweyne Lagu dilay Mas’uul Gobobolka Hiiraan ee Hay’ada Main action waxaa dilkii ka dambeeyay ilaalada Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax xasan afrax.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here