Madxweynaha jamhuuriyada Federaalka soomaaliya Mudane xasan sheikh maxamuud ayaa maanta ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaskii wax ku Noqday weerarkii xalay ka dhacay magaalada paris ee caasimada dalka faransiiska waxaana uu si adag u cambaareeyay falkaasi argagaxisnimo.
“Anigoo ku hadlaayo magaca dowlada soomaaliya waxaan aad u jeclahay inaa dhaho waxaan aad uga argagaxnay ugana murugoonay markii aan maqalnay weerarkii xalay ka dhacay caasimada Magaalada paris ee Dalka France .
Dunida waan in ay u istaagtaa midowga kuwa sida arxan-darada ah ugu fulunaya weerarada aadka uga soo horjeeda islaamnimada iyo bini,aadan nimada ayuu Hadalkiisa ku daray Madaxweynaha soomaliya xasan shiikh Maxamuud.
Dhanka kale Madaxweynaha soomaliya xasan shiikh ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay ka caawinta dowlada faransiiska saacada madoow ee dalka soo maray kadib weerarkii Magaalada Paris.
Dhamaad.

