UNICEF oo Sheegtay in 20,000 Caruuur ah ay Qayb Ka ahaayeen Dadkii Ku Barakacay Dagaaladii Gaalkacyo

0

Warsaxaafadeed Hay’adda caruurta u  qaabilsan Qaramada Midoobay ay kasoo saartay xafiiska ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay ku sheegtay in dagaaladii ka dhacay magaalada Galkacyo ay ku barakeceen dad gaaraya 90,000 oo qof kuwaas oo ay ku jiraan ugu yaraan 20,000 caruur iskuuley ah.

UNICEF ayaa waxaa ay sheegtay inay aad uga walaacsantahay in kumaan caruur ah iskuulada ku gafaan dagaalada ka dhacay Galkacyo,waxaa ay intaas ku dartay in dhamaan iskuuladii ku yaalay magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ay ku xirmeen dagaaladaas.

Hay’adda ayaa sidoo kale waxaa ay sheegtay in macalimiin ay ku dhaawacmeen dagaalada Galkacyo, 4 iskuula oo ka mid ah iskuulada magaalada ku yaalana ay waxyaalo kasoo gaartay.

UNICEF ayaa tilmaantay in iyada iyo hay’ado ay wada shaqayn kala dhaxayso ay xarumo wax barasho oo ku meel gaar ah ay ka sameeyeen degaanada loo barakacay si wax wabarshadu ay u sii socoto caruurta.

Hay’adda ayaa waxaa ay ugu dambayntii sheegtay in iyada iyo hayadaha la shaqeeya ay aad uga waacsanyihiin dhibaatooyinka kala duwan ee caruurta iyo qoysaskooda kasoo gaaray dagaalada Galkacyo.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here