Faah-faahin:-Diyaarado Dagaal oo Duqeeyay Gobolo Ka Tirsan Maamulka Somali-land

0

Diyaarado dagaal ayaa duqeeyay Saacadihii ugu dambeeyay Deegaanka Bali reer Cilmi oo hoos yimaada degmada oodweyne ee Gobolka Daad-madheedh  ee Gobolada Maamulka Somaali-land.

Taliyaha Booliska oodweyne Maxamed Cali Cabdi iyo Taliye ku xigeenka oodweyne Cabdilaahi Diiriye Cilmi Caduur oo warbaahinta u sheegay iyagoo ku sugan  Deegaanka ay Diyaaradaha duqeeyeen  ayaa waxay sheegeen in ilaa hadda baaritataano wadaan, oo aanay hayn war rasmi ah oo ku saabsan Dayaaradahaan iyo halka ay ka yimadeen, ,

“Hadda lafteeda ayaanu meesha maraynaa oo baaritaankii ayaa socda, Diyaaradaha waa dhab, balse cidna waxba ma aysan yeelin, oo meel bay rasaas ku rideen, meesha ay rasaasta ku rideena waxaanu ka soo gurnay Khasharo yar yar,oo aan ahayn qoryaha waaweyn, Deegaanka ay Diyaaradaha rasaasta ku rideena waa Deegaanka Bali Reer Cilmi oo Oodweyne ka tirsan ayey Barri kaga beegan tahay.” ayuu yiri Taliyaha Booliska Oodweyne Somali-land Maxamed Cali Cabdi.

Dhowr jeer oo hore waxaa diyaarado dagaal ay duqeeyeen Gobolo ka Tirsan Maamulka Somali-land waxaana eedeenta loo jeediyay dowladda wadanka Jabuuti.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here