Xiisad kacsanaan ah oo Maanta ka jirta Degmada Tiyegloow ee Gobolka Bakool

0

Wararka ka imaanaya degmada tiyeglow ee Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in degmadaas ay maanta ka taagan tahay xiisad kacsanaan ah iyadoo Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya , kuwa Dowladda  Soomaliya iyo Al-shabaab ay wali isku horfadhiyaan qeybo kamid ah degmadaas.

Ciidamada koonfur Galbeed Soomaliya iyo kuwa dowladda oo shalay gudaha u galay degmadaas ayaa dagaal kala kulmay habeenkii xalay ahaa Ciidamada Al-shabaab oo dhankooda ku sugan Garoonka diyaardaha degmada tiyeglow ee Gobolka Bakool.

Dhanka kale Mas’uliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Al-shabaab ay ka sifeyn doonaan degmada tiyeglow ee Gobolka Bakool.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here