Donald Trump ayaa noqday madaxweynaha rasmiga ee dalka mareykanka kadib marki uu doorashadi socotay kaga adkaaday Hillary Clinton oo aheyd musharaxa xisbiga Dimoqraadiga.
War uu baahiyay Telefeshinka caalamiga ee CNN ayaa lagu sheegay Hillary Clinton in ay qadka taleefanka kula hadashay Donald Trump uguna hambalyeysay guushiisa.
Waxaa saadaalin dheeraad oo la sameeyay kadib marki uu ka adkaaday Hillary Clinton-sidaasi waxaa qortay wakaaladda wararka ee AP iyo warbaahinaha kale ee Maraykanka.
Madaxweynaha cusub ee wadanka mareykan Trump ayaa waxa uu helay codadki la tiriyey 276 waxana uuna sare u dhaafay dhibcaha qofka uu ku guuleysan karo.

