Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Xukuumadda Soomaliya Pro Maxamed Shiikh Maxamuud ayaa ku guuleystay xubinimada aqalka hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya kadib markii uu helay codod gaaraya 45-cod.
Gudoomiye Jawaari ayaa ka guuleystay Musharax lagu magacaabo C/raxmaan Sheekh Ibraahim oo Wasiir horay uga soo noqday dowladdii KMG aheyd, iskastoo uu tanaasulay Musharax saddexaad oo lagu magacaabo Axmed Aadan Buule, kaasoo la tartami lahaa Jawaari iyo C/raxmaan Sheekh Ibraahim.
Dhanka kale wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Jubba-land ayaa ku waramaya in Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/rashiid ayaa ku guuleystay xubinimada aqalka hoose ee Maamulka Jubba-land kadib markii uu helay codod gaaraya 37-cod xubnaha uu ka guuleystay ayaa kala ah Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo helay codod gaaraya 5, iyo Maxamuud Maxamed kuuloow oo 7cod helay.

