Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo waxaa goordhaweyd ka bilowday doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Sideed Kursi oo ah Xildhibaanada Aqalka hoose ee laga soo dooranayo deeganada Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa maanta la dooranayaa inkastoo tirada guud ee kuraasta ay tahay 23-kursi sida ay xaqiijiyeen guddiga hergalinta doorashooyinka dadban.
Xubnaha tartamaya waxaa kamid ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, waxaana la tartamaya Musharax lagu magacaabo C/raxmaan Sheekh Ibraahim oo Wasiir horay uga soo noqday dowladdii KMG aheyd, iskastoo uu tanaasulay Musharax saddexaad oo lagu magacaabo Axmed Aadan Buule, kaasoo la tartami lahaa Jawaari iyo C/raxmaan Sheekh Ibraahim.
Dhanka kale Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Jubba-land waxaa ka bilaabatay doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, maanta waxaa loo tartami doonaa 7 kursi xubnaha waxaa kamid ah Wasiiru dowlaha arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/rishiid Xidig, Maxamed Ismaaciil Shuuriye, iyo Maxamuud Maxamed kuuloow.

