Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Aqalka Hoose ee  ka Socota Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Xukuumadda Soomaliya Pro Maxamed Shiikh Maxamuud  ayaa ku guuleystay xubinimada  aqalka hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya kadib markii uu helay codod gaaraya  45-cod.

Gudoomiye Jawaari ayaa ka guuleystay  Musharax lagu magacaabo C/raxmaan Sheekh Ibraahim oo Wasiir horay uga soo noqday dowladdii KMG aheyd, iskastoo uu tanaasulay Musharax saddexaad oo lagu magacaabo Axmed Aadan Buule, kaasoo la tartami lahaa Jawaari iyo C/raxmaan Sheekh Ibraahim.

Dhanka kale wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo  ee Caasimada KMG ee Jubba-land ayaa ku waramaya in Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya C/rashiid ayaa ku guuleystay xubinimada aqalka hoose ee Maamulka Jubba-land kadib markii uu helay codod gaaraya 37-cod xubnaha uu ka guuleystay ayaa kala ah Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo helay codod gaaraya 5, iyo Maxamuud Maxamed kuuloow oo 7cod helay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here