Ururka badaha aduunka ayaa maraakiibta shisheeya ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan xiliyada ay marayaan gacanka Cadan iyo biyaha Carabta inkastoo 9-kii bilood ee ugu dambaysay sanadkaan aysan ka dhicin falal burcad badeednimo;
Warbixintii ugu dambaysay oo ay soo saarto rugta caalamiga ah ee ganacsiga maalintii Jimcihii ayaa waxaa ay ku muujisay in wax falal burcad badeednimo ay aan laga diiwaan gelin xeebaha Somaliya marka laga reebo hal weerar oo isku day ahaa oo ka dhacay gacanka Caden.
Hoos u dhaca dhacdooyinka burcad badeednimada ayaa la sheegay inay culayskii ka qaaday maraakiibta isticmaasha badweynta Hindiya iyo badaha kale.
Sikastaba warbixintaa ayaa waxaa ay ugu soo jeedisay maraakiibta in ay aad u feejignaadaan xiliyada ay marayaan biyaha ka baxsan wadanka Somalia.
Ururkaan ayaa dhanka kale waxa ay xuseen in dhacdoonyinka laxiriira afduubka ay yihiin kuwo kajira galbeedka Africa iyo Koonfur Bari Asia, inkastoo 20-kii sano ee u dambaysay uu hoos u dhac ku yimid burcad badeeda aduunka.

