MaxkamaddA ku yaala dalka Kenya ayaa lagu wadaa in ay oo go’aan ka gaarto in laxirayo xerada Dhadhaab iyo inkale.
Xerada Dhadhaab waxa lagu sheegaa in ay ku noolyihiin nus malyuun qof oo u badan qaxooti Soomaali ah,inkastoo dhawrkii bilood ee ugu dambaysay ay jiraan dad badan oo kasoo laabtay.
Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa lagu wadaa in maanta oo isniin ah dhageysato dacwad ka dhan ah go’aanka dowladda Kenya ay doonayso inay ku xirto xeryaha qaxootoga ee Dhadhaab.
Hay’adda xaquuqul insaanka u qaabilsan dalka Kenya ayaa sheegaysa in xiritaanka xerada Dhadhaab ay dhibaato daran ku tahay kummanaanka qaxootiga Somali u badan oo ku nool xerdaas, kuwaasi oo ay sheegtay in aysan haysan meel ay ku laabtaan.
Dawlada Kenya Mas’uuliyiin u hadashay ayaa sheegay in ay qorshaynayaan in dhammaadka bishan November aynu ku jirno ay xiraan xeradaas Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi bari.
Dawlada Kenya ayaa dhawr mar waxa ay ku celcelisay in dadka nool xeradaas ay dhibaato ku yihiin dalkeeda ay ka dambeeyaan falalka amini xumo ee mararka qaar ka dhaca.

