Dad Soomaliyeed oo Caruur u Badan oo Lagu Qabtay Xadka ay Wadaagaan Wadamada  Kenya iyo Uganda.

0

Ciidanka ilaalada xudduudaha Dalka Kenya ayaa Gacanta ku dhigay Lix Haween ah oo watay 16 Carruur Soomaaliyeed ah oo doonayay in ay ka tallaabaan xadka dalka Kenya gaar ahaan degaanka Lokiriama ee kala qaybiya dalalka Yugaandha iyo Kenya.

Taliyaha Saldhigga Boliiska degaanka Lorugum, Charles Rono, ayaa xaqiijiyay in la xiray muhaajiriintaan iyo Laba Darawal oo u dhalatay Dalka Yugaandha, kuwaasi gaari ku weyday dadkaas.

Taliyaha ayaa sidoo kale Waxa uu intaasi ku daray inay Dadkaasi doonayeen inay si sharci daro ah ku soo galaan Kenya, wuxuuna xusay inay u gudbin doonaan Xerooyinka Qaxootiga ee Dhadhaab ama Kakuma, balse marka hore  ay kusamayn doonaan baaritaanno dheeri ah si go’aanno looga gaaro.

Dadka  Soomaalida ah ee qaxootiga ku ah islamarkaana xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma ayaan loo ogolayn inay Dukumenti la’aan safraan, inkastoo Haweenka Soomaalida ee lagu qabtay Xuduudka Kenya la wadaagto Yugaandha ay wateen Baasaboorro.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here