
Afar dal oo Afrikaan ah ayaa xiligaan loogu codeeyay in ay kamid noqdaan gudiga xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.
Tani ayaa ka dhigan in Afrika ay yeelanayso wakiilada ugu badan ee matalaya qaaradaha ee gudiga ka kooban afar iyo toban xubin e Golaha Guud ee qaramada Midoobay.
Afarta dal ayaa ka kooban laba dal oo ah waqooyiga Afrika- Masar iyo Tunisia, iyo gobolka Saxaraha Africa – Rwanda iyo Koonfur Afrika.
Dalalka Yurub waxa u matalaya Gudiga Xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Croatia, Hungary iyo Boqortooyada Ingiriiska.
Cuba, Brazil iyo Maraykanka ayaa wakiil u ah gobolka America.
Shiinaha, Sacuudi Carabiya, Japan iyo Iraq ayaa buuxinaya liiska Qaarada Asia.
