Ciidamada Nabad Sugida oo Burcad Badeeda Soomalida Kasoo Furtay Gabar Ajaanib ah oo Afduub ay U Heysteen

0

Wararka ka imaanaya qeybo kamid ah Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in Ciidamada Nabad Sugida maamulkaas ay kasoo furteen kooxaha Burcad Badeeda Soomalida Gabar ajaanib ah oo mudooyinkii dambe ay ku heysteen qeybo kamid ah Gobolkaas.

Ciidamadaan ayaa weerar qorshaysan ku qaaday saqdii dhexe ee xalay kooxaha burcad badeeda soomalida ee ku sugan deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug, Waxayna ugu dambeyn ay ku guuleysteen in ay kasoo furtaan gabar da’deeda lagu qiyaasay 18-sano jir ajaanib ah oo u dhalatay dalka kenya.

Kooxaha Burcad Badeeda Soomalida ayaa dhawaan sii daayay  ajaanib ay ku hayeen sanadihii dambe qeybo kamid ah Gobolka Mudug, waxaana inta la heestay Ajaaniibtaas  u kala dhalatay Wadamada Indonesia, China, Philippines, Vietnam iyo Taiwan. saddex nin oo kamid ahaa la sheegay in ay u geeriyoodeen Cuduro halka 26-kii harayna hada dib u heleen Xuriyadooda

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here