Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo haatan kamid ah xubnaha aqalka sare ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud In uu tago Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug uuna ka qeyb qaato xalinta colaada Magaaladaas ka jirta.
Mudane C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo kamid ah Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa sheegay in Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya uusan kaliyah xalin Karin colaada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, islamarkaana Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday loogu baahay in uu kusoo biiro xalinta Colaada Gaalkacyo.
“Madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu yimaadaa Gaalkacyo, waxyaabo badan ayaa jira oo Raisul Wasaaraha maareyn karin kaligiis, waxaa jira tuhumo badan baa jira, waxyaabaha la isla dhex marayaa ee tuhumada siyaasadeed ee jira si ay meesha uga baxaan”ayuu yiri Siyaasiga C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.
Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke oo dowladda Soomaliya ay u wakiilatay xalinta Colaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug oo shalay dib ugu soo laabtay magalada Muqdisho ee Caasimada ayaa ugu baaqay Maamulada Puntland iyo Galmudug in si sharuud la’aan ah ay ku joojiyaan dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug .

