Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug oo Lagu Eedeeyay Colaada Gaalkacyo+Dhageyso

0

Cabdulqaadir Muuse oo loo yaqaan (daahir Ciiro) kamid ah siyaasiyiinta Soomaliyeed oo la hadlay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug in ay siyaasadeenayaan dagaalka ka socda  Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Daahir Ciiro ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ay wadaan qorshaha islamarkaana u adeego ka yahay Madaxweynaha Maamulka  Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guulleed.

“Dagaalkaan Maanta ka socda Magaalada Gaalkacyo waxaa Mas’uuliyii`diisa qaadaya Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas, C/kariin Xuseen Guulleed waa fuliyaha qorshaha”, ayuu yiri Daahir Ciiro.

Dhanka kale Siyaasiga Cabdulqaadir Muuse oo loo yaqaan (daahir Ciiro) ayaa sheegay  in Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ay u baahan tahay  oo kaliyah hal maamul, islamarkaana isqabqabsiga haatan ka dhex jira Maamulada Puntland iyo Galmudug uu dhibaato ku yahay shacabka Magaalada Gaalkacyo.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here