Faroole “Madaxweynaha Ha Yimaado Gaalkacyo, Waxyaabo Badan ayaa jira oo Raisulwasaaraha Maareyn Karin”,

0

Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole oo  haatan kamid ah xubnaha aqalka sare  ayaa ugu baaqay madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud In uu tago Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug  uuna ka qeyb qaato xalinta colaada Magaaladaas ka jirta.

Mudane C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo kamid ah Xubnaha aqalka sare ee dalka ayaa sheegay in Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya uusan kaliyah xalin Karin colaada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, islamarkaana Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday loogu baahay in uu kusoo biiro xalinta Colaada Gaalkacyo.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu yimaadaa Gaalkacyo, waxyaabo badan ayaa jira oo Raisul Wasaaraha maareyn karin kaligiis, waxaa jira tuhumo badan baa jira, waxyaabaha la isla dhex marayaa ee tuhumada siyaasadeed ee jira si ay meesha uga baxaan”ayuu yiri Siyaasiga C/raxmaan Maxamed  Maxamuud Faroole.

Raisulwasaaraha Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke  oo dowladda Soomaliya ay u wakiilatay xalinta Colaada Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug  oo shalay dib ugu soo laabtay magalada Muqdisho ee Caasimada  ayaa  ugu baaqay Maamulada Puntland iyo Galmudug in si sharuud la’aan ah ay ku joojiyaan dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here