Galmudug oo Sheegtay in Ciidamo Dheeraad ah oo ka Socdo AMISOM  Lageyn Doono Cadaado+Dhageyso

0

Maamul  Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in Ciidamo dheeraad  ah oo ka socdo howlgalka Midowga Afrika ee  AMISOM Soomaliya lageyn doono Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ka ee Maamulka Galmudug.

Afhayeenka Madaxtooyada Galmudug C/llaahi Xaashi Faarax ”Roobda’ay  oo la Hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in  ciidamo ka kala socdo wadamada Brundi, iyo jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Amisom ay shalay gaareen Magaalada Cadaado islamarkaan ay horu dhac u yihiin Ciidamo kale oo maalmaha soo socda gaaraya Magaaladaas

“Ciidamadaan  ka socda AMISOM waxa ay ka kala socdaan wadamada Brundi iyo Jabuuti, waxyna  hour dhac u yihiin ciidamo kale oo maalmaha soo socda gaaraya Magaalada Cadaado, Ciidamadaan waxa ay ka qeyb qaadan doonaan sugida amaanka goobaha doorashooyinka Magaalada Cadaado iyo deeganada kale, hadda waxa ay ku sugan yihiin  xarunta Madaxooyada dowlad Goboleedka Galmudug”, ayuu yiri

Sidoo kale Afhayeenka Maamulka Galmudug C/llaahi Xaashi Faarax ”Roobda’ay   ayaa beeniyay wararka  sheegaya in ciidamadaan ay kaliyah ka howlgali doonaan Magaalada Cadaado, wuxuuna sheegay in goobaha doorashooyinka ay ka dhacayaan ee Galmudug  la geyn doono si ay amaanka u xaqiijiyaan.

Shalay ayay aheyd markii Cutubyo ka Tirsan Ciidamada AMISOM oo ka kala socda wadamada Brundi iyo Jabuuti ay gaareen Magaalada Cadaado ee Caasimada Kmg-ka ah ee Maamulka Galmudug, ujeedka ay u gaareen ayaa lagu sheegay sugida amanka goobaha doorashooyinka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here