Maamulka Hir-shabeelle oo Loogu Baaqay in uu Soo Dadajiyo Soo Gudbinta Xubnihii Aqalka sare+Dhageyso

0

Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashooyinka dadban, Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhageey) oo shir jaraa’id ku qabtay  Magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay hanaan socodka loo dooranayo aqalka Hoose.

“Ilaa iyo hada ergooyinka la xareeyay, waxaa ugu horeeya dowlad goboleedka Jubbaland oo soo dhameystirtay dhamaan 43 kursi ergooyinka, waxaa kaloo soo diyaariyay dowlad goboleedka Koofurgalbeed oo 57 kursi ergooyinkooda, waxaa soo sedexaaye oo 37 kursi laga rabay, soo diyaariyay 31 kursi, Galmudug 20 kursi ergadooda ayaa diyaar ah, waxaa kaloo diyaar ah 20 kursi oo dhanka Puntland, waxaana rajeyneynaa in la soo dhameystiri doono guud ahaan inta dhiman” ayuu yiri Cumar Dhageey.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashooyinka dadban, Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhageey) ayaa ugu baaqay maamulka Hir-shabeelle in uu soo dadajiyo soo xulista xubnaha aqalka sare ee dalka.

“Maamulka Hir-shabeelle oo dhawaan la dhameystiray dhismihiisa waxaan rajeenaynaa in  uu soo gudbiyo xubnihii aqalka sare si loo amba qaado doorashada,waa maamulka kaliyah ee aan wali soo gudbinin xubnaha aqalka sare”, ayuu yiri mar kale Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashooyinka dadban.

Dhanka kale Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashooyinka dadban ayaa ku baaqay in sidoo kale lasoo dadajiyo soo gudbinta xubnaha aqalka sare u matali doona deeganada Maamulka Somali-land.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Guddiga Federaalka Hirgellinta Doorashooyinka dadban, Abuukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhageey) ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in doorashada soomaliya ay ku dhacdo waqtigii loogu talagalay xili dib u dhacyo badan ay ku yimaadeen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here