Xaalada Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug oo Caawa Degan Xili Galabta uu Dagaal ka Dhacay

0

Xaaladda galbeedka magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa caawa degan kadib markii galabta ay mar kale kuwada dagaalameen ciidamo kala taabacsan maamulada puntland iyo Galmudug oo waayahaan ku dagaalamayay halkaas.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadii kala duwan,daryanka rasaas  fudfudud iyo madaafiicda  xoogan ayaa  laga maqlayay galabta oo idil Magaalada  Gaalkacyo ee xarunta Gobolka mudug.

Dagaaladaan oo daba socda dagaalo soo laalaabtay oo maalmahanba labada dhinac ku dhexmarayay galbeedka magaaladaas ayaa ku soo beegmay xili shacabkii ku noolaa magaalada intooda badan ay ka barakaceen magaalada.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga qasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka qarxay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ee soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamayay iyo shacab kooban oo ku sugan Magaaladaas.

Warar soo baxaya ayaa ku waramaya in uu burburay wada-hadalkii u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug taasi ay keentay in dagaalka uu mar kale dib kaga qarxo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here